Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maamulka G/Banaadir oo la wareegay Beertii Nabadda, Baarar & Kaalimo Shidaal [Akhriso Wareegtada Yariisow]

    Maamulka G/Banaadir oo la wareegay Beertii Nabadda, Baarar & Kaalimo Shidaal [Akhriso Wareegtada Yariisow]

    July 3, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu dhinaciisa baabi’yey heshiiyadii maamuladii hore ay ku bixiyeen jardiinooyinka iyo beerihii dowladda Hoose ee Muqdisho oo la sheegay in si sharci darro ah loo maray bixintooda.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka iyo beeraha dowlada Hoose ayaa waxaa xusid mudan in arrintan ay saameyn doonto Beerta caanka ah ee Nabadda, Baarar iyo Kaalimo shidaal oo si weyn loo dhisay laga geliyay dhaqaale fara badan, iyadoo heshiisyadii hore qaarkood ay ku qoran yihiin inaysan dowladda hoose ka bixi karin ama ay magdhow bixin doonto.

    HOOS KA AKHRI WAREEGTADA

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul danta guid ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir,

    Markuu hubsaday in lacagaha kirada ah ee dhulkaas lagu kireeyay ay yihiin Kuwo aad u hooseeya oo qiimo ahaan aan u qalmin dhulkaas Jardiinooyinka ah iyo sidoo kale muddada heshiiyada oo nidaam ahaan xad dhaaf ah iyo in goobahaas bixintooda lala baal maray habka toosan ee lagu maamulo hantida Dawladda oo ah in lagu bixiyo qandaras,
    Isagoo waajib ahaan ay ugu muuqatay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo soo celiyo billicda Magaalada iyo hantida Ummadda ka dhexysa.

    Wuxuu Soo Saaray Xeerkan:

    Qodobka 1aad. 
    Laga billaabo maalinta Xeerkan la Saxiixo, waxaa dib looga noqday, isla markaana baabi’yay dhamaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, maadaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/guud ah oo loogu tala galay in Dadweynaha Soomaaliyeed ay ku nastaan, waqtiyada fasaxa ay ka yihiin shaqadooda, isla markaana jardiinooyinku ay ka mid yihiin adeegyada ugu muhimsan dhanka aragtida guud iyo dib u soo cellinta billicda Magaalada Muqdisho;

    Qodobka 2aad. 
    Ganacsatada Go’aankani sida tooska u quseeyo, waxaa la farayaa in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan ama ay kala baxaan wax allaale iyo agab shaqo ah ee u dhex yaal dhismooyinka dhulka Jardiinooyinka ah ee kor ku tilmaaman, maadaama qorshe ahaan lagu tala jiro in hatidaas dib loogu soo celiyo gacanta Maamulka D/Hoose ee Xamar, waxeyna muddadu ka billaabaneysaa maalinta Xeerkan la Saxiixo;

    Qodobka 3aad. 
    Cid allaale iyo Ciddii Xeerkan jabisa ama u hogaansami weyda fulintiisa, waxaa laga qaadi doona tillaabo sharci ah oo arrimahooda waafaqsan, haddii ay jirto cid wax ka qabta amarkan, waxay waqtiga fullinta ka hor kala xiriiri karaan Maamulka Sare ee Gobalka Banadir iyo D/Hoose ee Xamar.

    G/Banaadir Muqdisho Top Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha G/Banaadir oo ku dhawaaqay in la baab’iyey heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Muqdisho [Dhageyso]
    Next Article Wafdigii dowladda Qatar ee maalgashiga Dekadaha Somalia oo la kulmay Ra’iisal Wasaare Kheyre

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo