Mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ahayd amar uu bixiyey taliye saldhig ku yaalla mid ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir fal timaha looga xiiray dhalinyarrada Gobolka Banaadir.
Arrintan oo si weyn loogu faaqiday baraha bulshada ayaa muujisay dhalinyarro wadooyinka ay ciidamada amniga uga jarayaan timaha, taasoo si weyn loo cambaareeyay, waxaana maalmo kadib war kasoo saaray guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee dhinaca amniga Mohamed Tuulah.
Wuxuu sheegay in arrin ka dhacday Saldhiga Degmada Xamarjajab oo aheyd in ciidanka timaha ay ka jareen dhalinyaro dhawr ah, balse arrintaasi ay ku dhacday amar shaqsi ah oo aysan aheyn arrin uu ka war haayo Maamulka Gobolka Banaadir.
“Waxaan ku sameynay baaritaan si aan u ogaano inay sax tahay iyo in kale, sawirada la isticmaalayay ee ciidanka timaha ka xiiraya dhalinyarada ma ahan sawiro hada la qaaday balse dhacdada tima jarista waxay dhowr maalmood ka dhacday Saldhiga Xamar jajab, waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga u gaar ahaa, waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan oo kale” ayaa laga soo xigtay gudoomiye ku xigeenka G/Banaadir.