Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu magaalada Muqdisho ka bilaabanayo howlgal Guri Guri loogu baarayo caasimadda Muqdisho oo laga raadinayo xubno ka mida Alshabaab.
Arrintan ayaa ka danbeysay baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyey Bannaanbixii looga horjeeday Alshabaab ee ka dhacay Garoonka Eng. Yariisow oo uu ku sheegay in Muqdisho laga hurgufo dhiqlaha ku jira, sida uu yiri.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda G/Banadir Maxamed Axmed Diiriyeayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dadka Muqdisho u sheegay in iyadoo la fulinayo baaqii Madaxweynaha la bilaabi doono baaritaan lagu gelayo guryahaa dadweynaha magaalada oo dhan.
Wuxuu sheegay inuu bilaaban doona howlgal Amni oo lagu baarayo Guri kasta oo ku yaalla Muqdisho, shacabka wuxuu uugu baaqay inaysan culeys u arkin oo ay la socdaan arrintaas.
