Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhis ku sameynaya Wado si weyn ugu burburtay roobabka iyo dayactir la’aan.
Jidka isku xira isgoyska Dabka iyo Bakaaraha oo gebi ahaanba go’day kana mid ahayd wadooyinka sida weyn gaadiidka iyo dadka u adeegsadaan ayaa lag bilaabay saaka dib u habeyn.
Wadaddan ayaa ku waxyeelowday Daadka roobka oo si weyn ugu badan, iyadoo muddo ka badan 2 sano ay noqotay wado aan la marin, inkastoo dayactirro hore oo lagu sameeyay lagu guuleysan waayay inay wadaddaasi sii shaqeyso.
SAWIRRO