Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka furay Shirka Hiigsiga Caasimada [Daawo Sawirro]

    Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka furay Shirka Hiigsiga Caasimada [Daawo Sawirro]

    August 6, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho  ka furmay shir loogu magacdaray “Ololaha Aragti Wadaaga Hiigsiga Caasimada” kaas oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

    Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,Wsiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa, Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiir Cadaaladda, Wasiirka Qorsheynta, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya  oo ay kamid ahaayeen C/laahi Goodax Barre, Daahir Amiin Jeesow iyo Fowsiyo Xaaji Aadan.

    Kulankaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay sidii shacabka Muqdisho ay uga qeyb noqon lahaayeen maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna looga qeyb gelin lahaa talada hoggaanka.

    Ugu Horeyn waxaa kulanka ka hadlay xogyahaya guud ee Maamulka Gobobolka Banaadir taas oo sharaxaad buuxda ka bixisay ujeedka madashaan iyo waxyaabaha fikirka ay kasoo dhiiban karaan shacabka Muqdisho .

    Waxay sheegtay inay shacabka fikrado kasoo dhiiban karaan qeybaha kala ah:

    • Siyaasadda
    • Dhaqaalaha
    • Horumarka
    • Iyo Adeegga Bulshada

    Ujeedka shirkaan ayey sidoo kale ku sheegtay inuu yahay:

    1)      Inay kasoo aragti bixiyaan Maamulka

    2)      Ka dhabeynta qorshaha dowladda ee awood siinta shacabka

    3)      Abuuridda hab wada shaqeynta ka dhaxeyso madaxda iyo Shacabka

    4)      Ka talo bixinta Maamulka Gobolka  Banaadir.

    Intaas ka badan waxaa khudbado muhiim ah halkaas kasoo jeediyey Xildhibaabo kala duwan oo si weyn usoo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah, waxayna u mahad celiyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, iyagoo dhammaantood ugu baaqay inuu guddoomiyaha meel kusoo ogaado maqaamka Muqdisho.

    Sidoo kale waxaa halkaas khudbado ka jeediyey wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo dhammaantood si weyn usoo dhaweeyey howshaan culus oo uu Maamulka Gobolka Banaadir daah furay Maanta.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay inay wasaaradda Arrimaha Gudaha si rasmi ah u furtay wadahadalka ku aadan sida laga yeelayo Maqaamka Caasimadda Muqdisho, wuxuuna shacabka Muqdisho ugu baaqay inay fikirkooda kusoo bandhigaan barnaamijkaan uu maanta daah furay Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna  shaaciyey in natiijada kasoo baxdo loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si Maqaamka Muqdisho looga qaato go’aan dastuuri ah.

    Ugu Dambeyntii waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ugu horreyn dhammaan kasoo qeyb galayaasha kulankaan ugu mahadceliyey sida wanaagsan oo ay uga soo qeyb galeyn wuxuuna si gacmo furan ugu soo dhaweeyey xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

    Guddoomiye Thaabit ayaa ka dhawaajiyey in ujeedka shirkaan maanta furmay uu yahay sidii Shacabka Muqdisho dib loogu soo celin lahaa awoodda maamulka iyo ka qeyb galka habsami u socodka shaqada Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay inay shacabka Muqdisho u fureen inay fikradooda kasoo dhiibtan dhinac kasta oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Caafimaadka iyo wixii lamid ah.

    Wuxuu Guddoomiye sidoo kale sheegay inay shacabka u diraayeen foomam ay ku qoran yihiin Su’aalo iyo talo bixin loo baahan yahay inay shacabka ku dhiibtaan fikirkooda iyo aragta ay ka qabaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

    Guddoomiyaha ayaa xusay inay Degmo degmo u wareysan doonaan shacabka Muqdisho isla markaasna natiijada kasoo baxdo xog wareysigaan laga dhigo doono Cilmi Baaris rasmi ah oo loo gudbin doono labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Gabagabadii kulankaan guddoomiyaha ayaa shacabka Muqdisho si sharaf leh uga codsaday inay dhammaantood si wanaagsan uga qeyb qaataan mashruucaan loogu talagalay in looga wada hadlo geedi socodka Caasimadda Muqdisho.

    SAWIRRO

    Gobolka Banaadir Hiigsiya Caasimadda Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGdudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maamulka Galmudug oo la magacaabay [Akhriso]
    Next Article Mooshinkii ugu fiicnaa ee Xildhibaanno keenaan oo Berri ka furmaya Baarlamaanka [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo