aamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan ay ka yeesheen xaalada Gobolka Hiiraan iyo fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne waxay saaciyeen inay lacag ugu deeqeen dadka ku waxyeeloobay fatahaadda.
Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in maamul ahaan ay dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabelle ugu deeqeen lacag dhan 100,000 oo Dollar, taasi oo qeyb ka ah gargaarka loo sameynayo.
Dhinaca kale maamulka G/Banaadir ayaa Guddi magacaabay ay Gudoomineyso Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti, iyadoo lacag kasoo ururin doona degmooyinka Gobolka Banadir.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo midii ugu darneyd, kadib markii fatahaada wabiga ay ku Barakaceen dad ka badan 20,000 oo qof, iyadoo gurmadka loo fidinayo dadkaasi uu bilowday.