Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hakiyay Canshuur qaab ceymis ah la doonayay in lagu soo rogo oo ay ka hor yimaadeen gaadiidleyda magaalada Muqdisho.
Shir xalay ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ay yeesheen Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga ayaa markii uu soo dhammaaday kadib la shaaciyay in la hakiyay Ceymiskii qasabka ahaa ee lagu soo rogay Gaadiidka dadweynaha.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa saxaafadda u sheegay in la hakiyay Howlihii Ceymiska Gaadiidka, lana aqbalay codsiga Gaadiidley, laakiin wax faahfaahin ah kama bixin arrintan.
Gobolka Banaadir ayaa noqday halka dadka Muqdisho loo soo maro si xilligan kala guurka ah loo dadka looga qaado lacago magacyo kala duwan ah leh oo shirkado gaar loo leeyahay ay ku qaadayaan magaca dowladda.
Shirkadda Takaful ee gaarka loo leeyahay ayaa maamulka Gobolka Banaadir heshiis kula gashay qorshaha ceymiska gaadiidka Gobolka Banaadir, waxaana arrintan sharci darro ku tilmaamay hanti dhowrka iyo Garyaqaanka guud ee dalka.
Wadani.com