Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka oo ku beegneyd Shalay (10 October 2017) taasoo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.
Xafladaas oo uu soo diyaariyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen: Wasiirka Gaashaandhigga Cabdirashiid, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Eng. Yariisow iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga General Maxamed Axmed JimcaaleCirfiid.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey xafladaan uu ku sheegay inay aheyd mid qiimo u leh dadka Miirka la’.
“Waxaan u mahadcelinayaa G/Benadir Thaabit Cabdi oo maanta qabtay barnaamij muhiim ah oo lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka – waxaana hoosta laga wada xariiqay in loo baahanyahay dadka dhimirka qaba in la caawino oo laga daayo faquuqa, ceyda, dilka, iyo daryeel la’aanta. Sidoo kale waxaa la xusay doorka warbaahinta ee wacyigeinta bulshada si gar-gaar deg-deg ah loogu fidiyo dadka dhimirka qaba oo istaahila inay xaq la mid ah qof walba helaan” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook.
Daawo Sawirada: