Shir Wadatashi ah oo ay magaalada Beledxaawo ku yeesheen maamulka Gobolka Gedo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qodobadda fara badan ka kooban oo ku saabsan xaaladaha siyaasadda, Amniga iyo Bulshada.
Shirka oo socday intii u dhaxeysay 26-30 Ogost 2020 ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda Soomaaliya u magacawday Gobolka Gedo, waxaana qodobadda kasoo baxay ka mida: Inayn aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe, isla markaana maamulka Gedo aanu hoos tegin maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe.
“Maamulka Gobolka Gedo wuxuu isagoo ka tarjumaya rabitaanka shacabka ku dhaqan Gobolka uu dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ku wargelinayaa in Gobolka Gedo uusan siyaasad, maamul, Amni iyo arrimo bulsho intaba u hoos tegin Maamulka Axmed Madoobe uu sida sharci darrada ah Kismaayo iskiis uga yagleeshay..” ayaa lagu yiri qodobka saddexaad ee go’aanada kasoo baxay Maamulka Gedo.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo heshiis u soacday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Axmed Madoobe, lana filayo inuu Muqdisho ka furmo shir u dhaxeeya labada dhinac.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTYEEDKA


