Maamulka gobolka Hiiraan ayaa magaalada B/weyne ka mamnuucay in la deegsado Gaadiidka loo yaqaan Cagafta ee Beeraha loogu talogalay, laakiin maalmihii ugu danbeeyay noqotay gaadiid ay dadka magaaladasi uga gudbaan biyaha badan ee fadhiya magaalada.
Arritan ayaa ka danbeysay markii shilal dhowr ah oo Cagaftu gashay ay ku dad ku dhinteen. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/laahi Axmed Maalin ayaa amar ku soo saaray inaan Cagafta loo isticmaali karin Gaadiidkan, lagana mamnuucay magaalada Beledweyne, taasoo ay ugu wacan tahay Waddooyinka burbursan iyo biyaha badan oo keenay inay rogmadaan.
Maxamed Nuur Dabaashe oo ah afhayeenka maamulka Hiiraan ayaa sheegay in la sameyn doono xarig aad u dheer oo ay dadka qabsan si ay isaga gudbaan magaalada oo ay biyo go’doomiyeen.