Maamulka Gobolka Hiiraan oo hore ula saftay madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa bedelay mowqifkoodii, iyagoo taageeray madaxweynaha cusub ee la doortay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabele Mudane Maxamed Cabdi Awaare, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan maamulka cusub.
“Waxaan soo dhaweynayaa guusha uu gaaray madaxweynaha cusub ee loo doortay Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin, waxaana shacabka reer Hirshabeele aan ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub”,ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.
Guddoomiyaha Hiiraan ayaa sheegay in si buuxda taageersan yihiin hoggaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay howglallo ciidamada ka sameeyeen degaanka Kala beyr oo Alshabaab ay weerar ku qaaday dhowaan.