Maamulka Gobolka Nugaal ayaa amarro ku soo rogay Musharixiinta xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland, iyagoo laga dalbaday inay xiriir la sameeyaan maamulka Gobolka inta aysan halkaasi tegin.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xersi (Gu’jir) ayaa qoraal uu soo saaray ku wargeliyay musharrixiinta madaxweynaha Puntland ee doonaya inay yimaadaan Gobolka Nugaal looga baahan yahay inay ogeysiin bixiyaan laba maalmood ka hor imaatinkooda.
Wuxuu kaloo guddoomiyaha Nugaal u sheegay musharixiinta inaysan qaban karin shirar iyo xaflado aanu ka warqabin Guddiga amniga Gobolka Nugaal.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA