Maamulka Hirshabeelle ayaa ka dalbaday musharax xildhibaan oo wasiir ka ah maamulka Koonfur Galbeed inuu degdeg uga baxo magaalada Jowhar.
Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa qas weyn ka abuuray magaalada Jowhar, kadib markii uu lacag fara badan la tegay halkaasi, isuna sharxay kursi aanay beeshiisa xaq u lahayn.
Wasiirkan ayaa wararku sheegayaan inuu garab ka helay ugaaska Beeshiisa, taasoo keentay in arrintiisa ay soo farageliyaan maamulka Hirshabeellle. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa dalbaday inuu C/llaahi Sheekh Ismaaciil ka baxo magaalada Jowhar.
Muranka ka dhashay wasiirkan ka tirsan maamulka Shariif Xasan ayaa ku saabsan in Jufada uu kasoo jeedo ee Isaaq/Daa’uud/Wacbuudhan ay heshay xubin Aqalka sare ka tirsan oo uu ku guuleystay Muuse Suudi Yalaxow, sidaas darteedna aanay u tartami karin Aqalka hoose oo ay awood qeybsi ahaan u heshay Jufada kale ee Yuusuf/Daa’uud/Wacbuudhan.
Taageerada C/llaahi Sheekh Xasan ka helay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa xaaladda uga sii dartay, waxaana ugaasku ku doodayaa in xubinta Aqalka Sare aanay ahayn qeyb u gaara Beesha Daa’uud ee ay ahay xubin Beesha Wacbuudhan soo gaartay.
Dagaalka kursigan ayaa salka la galaya loolanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xasan Sheekh maxamuud ee ololaha madaxweynaha Soomaaliya.
Wadani.com