Maamulka Hirshabeelle ayaa qaaadacay Qorshaha horumarinta ee National Development Plan ee lala tegayo shirka London ee arrimaha Soomaaliya oo dhowaan ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayuu sheegay inay iska diideen Qorsahaha London. Arrinta ugu weyn ee keentay inay ka baaqdaan shirkaasi ay tahay iyadoo Qorshaha Amniga Qaranka ee shirkaasi lala tegayo uu ka horeeyay Hirshabeelle, waxa laga qoray Hirshabeellena ay qoreen dad lid ku ah maamulkood.
Wuxuu caddeeyay in Qorshaha uu yahay mid aan lagala tashan, isla markaana waxba ka quseynin dadka ku nool Maamulka Hirshabeelle, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhinaca horumarinta dekadaha in lagu xusay Koonfur Galbeed, balse aan lagu soo qaadin Hirshabeelle.
DHAGEYSO