Maamulka Mandheera iyo xildhibaannada degaankaasi laga soo doorto ayaa dalbaday in C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa inay ka baxaan Mandheera.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Nairobi ayaa guddoomiyaha Mandheera iyo xildhibaannada degaankaasi laga soo doorto waxay welwel weyn ka muujiyeen in C/rashiid Janan iyo Maxamud Sayid oo degan hotel ku yaalla magaalada Mandhera, ciidamadiisana ay joogaan xuduudka gudaha Kenya, taasoo ay sheegeen inay halis ku tahay amniga Gobolka iyo degaankooda.
Xildhibaannada reer Mandhera ayaa sheegay in xaaladda degaanka ay tahay mid halis ah, waxaynaugu baaqeen inay si degdeg ah uga baxaan ciidamada C/rashiid Janan, waxayna dowladda Kenya ku eedeeyay inay gacan siineyso ciidamadan kasoo baxsaday Gobolka Gedo.
Arrintan ayaa qeyb ka ah xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Gobolka Gedo iyo kaalinta ay Kenya ku leedahay arrintan oo soo shaac baxday, waxaana xubnaha shirka jaraa’id qabtay ka mid ahaa: Adan Cabdi Yuusuf iyo Cali Ibrahim Robo.
Dowladda Kenya waxay ka dalbadeen inay hubka ka dhigto ciidamadan, loona aqoonsato qaxooti, haddii kalena ay meel kale u dhaafiso ciidamadan.