Maamulka Jubba ayaa degaanadiisa ka mamnuucay telefishanka madaxa bannaan ee UNIVERSAL kadib War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Jubba oo lagu sheegay in sedexda gobol ee kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo uusan ka shaqeyn karin telefishinka Universal ee afka Soomaaliga ku hadla.
Taleefishinkani ayaa maamulka Jubba ku eedeeyeen inay ku heleen faafin been abuur ka dhan ah maamulka Jubbaland, waxay ku doodeen in Talefishinka Universal uu sameeyey waxyaabo badan oo ka talaabsan anshaxa suuban ee saxaafadda, dhiirogalinta nabadda iyo xasiloonida dalka, isaga oo sidoo kale huriyey colaado ahli ah, laakiin wasaaradda maamulka Jubba sooma bandhigin caddeyn ku saabsan arrimaha ay ku eedeysay Telefishankaasi.
Warka kasoo baxay maamulka Jubba waxaa lagu sheegay dowlad goboleedka Jubbaland ay gabi ahaanba mamnuucday Universal TV, mana jirto cid matalaysa oo ka hawlgali karta gudaha Jubbaland, haddii cid lagu qabtana waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]