Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay ayaa magaalada Kismaayo xabsiga dhigay odayaal ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab, taasoo la yaab ku noqotay beesha ay ka soo jeedana odayaashan oo ku eedeeyn kulul u jeediyay Maamulka Jubba.
Odayaasha la xiray aya kala ah Suldaan Maxmuud Geele iyo Caaqil Cabdulahi Saciid Bile. Beelaha ay ka soo jeedan oday dhaqameedyada la xirey ayaa ku eeedeeyey maamulku inuu wado cabburin iyo kelitelisnimo iyadoo ay tahay meel ka dhac weyn in odayaal dhaqameed nabadeed xabsi la dhigo.
Odayaasha ayaa markii la xiray kadib loo masaafuriyay magaalada Muqdisho iyadoo looga digay inay ku soo laabtaan magaalada Kismaayo, taasoo ah arrin aan hore u dhicin.
Odoyaashan oo ku heyb ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Maxamed Darwiish ayaa hore u soo saaray qoraal ay kalsoonida kala noqdeen wasiirkan, taasoo loo aaneyneyo inay dhalisay xarigooda. [AKHRI QORAALKII ODAYAASHA]
Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaashii la xiray laga masaafurinayo Magaalada Kismaayo, Beesha Jen. Darwiish ayaa hadda eedeyn kulul u jeediyay Axmed Madoobe oo ah inuu isagu ka dambeeyo arrintan oo uu bixiyay amarka xariga odayaasha.
Wadani.com