Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa Sheegaya in maamulka Axmed Madoobe ay x absiga u taxaabeen afar saxafi oo magaaladaasi ka howlgasha oo uu ka mid yahay weriyaha VOA-da.
Weriyaasha la xiray waxay kala yihiin:
- Khadar Maxamuud Xareed oo ahaa wakiilka VOA
- Aadan Maxamed Salaad oo ka tirsan SNTV
- Cabdiqaadir Jiijiile oo ka tirsan Telefishanka Somali Cable
- iyo Maxamed Qaasim Waxar oo Kismaayo uga soo warrama Idaacadda STAR FM ee Kenya.
Lama oga wax yaabaha loo xiray afarta wariye, balse ilo xog ogaal ayaa u sheegaya in lagu xiray amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Jubbaland.
Wadani.com