Maamulka Jubaland ee Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa caawa ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha magaalada Kismaayo ee Dhulka, Cirka iyo Badda, laga billaabo caawa 6-da maqribnimo illaa 23-ka bishan Ogost oo ah maalin kadib marka la doorto Madaxweynaha cusub ee Jubaland.
Amarkan ayaa kasoo baxay Guddiga Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana lagu sheegay in la joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ee maalinta Doorashada oo ku aadan 22-ka August 2019.
Waxaa la hay’adaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamuladda garoonka diyaaradaha Kismaayo, Dekadda Kismaayo iyo Baraha koontarooladda laga soo galo magaaladda Kismaayo inay xaqiijiyaan fulinta go’aankaan.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii shalay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya laga celiyay Garoonka Magaalada Kismaayo, iyadoo xiisad dhex martay ciidamda Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ku wada sugan magaalada Kismaayo.
