Maamulka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyey warkii kasoo yeeray Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo xisaab-xir ka dalbaday dowlad Goboledyada.
Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa sheegay in Qoraalka kasoo baxay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya uu yahay oo kaliya mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada uga socda magaalada Garowe.
Wasiirka ayaa ku dooday in Qoraalkan kii ka horeeyay uu wasiir Beyke ku soo beegay xilligii uu socday Shirkii Kismaayo, isla markaana qoraalka maanta uu ahaa mid lagu soo aadiyey shirka magaalada Garowe uga socda Dowlad Goboleedyada, wuxuuna ku edeeyay in dowladda Federaalka ay carqalad ku heyso shirarka maamul Goboleedyada.
Wuxuu beeniyay in qoraaladda wasaaradda Maaliyadda loo diray Maamul Goboleedyada, wuxuuna sheegay in la soo dhigo Baraha Buslhada, wuxuuna Wasiirka Maaliyada maamulka Jubaland C/rashiid Jire Qalinle uu sheegay wadashaqeynta maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka hakad ku jiro.
Wasiir Qalinle ayaa daboolka ka qaaday in Dakhliga ka soo xarooda Dekeda magaalada Kismaayo ay u soo wareejiyaan Dowladda Dhexe, halka dowladda Federaalka laga la’ yahay lacagaha laga helo deeq bixiyayaasha.