Maamulka Puntland oo war kasoo saaray dhibaatada ka taagan isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga ah ee degaanada maamulkaasi.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Puntland oo shir ku yeeshay ayaa ugu danbeyn soo saaray afar qodob oo kala ah:-
1- Lacagta Shilling Soomaaligu waa astaan, dal kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana cidii ka hor imaatana waa qaran dumis.
2- Dowladda Puntland lacagta Sh.So. waxay ku qaadaa Canshuurta, waxayna ku bixisaa Mushaharooyinka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda, meel ay ku diidayna majirto.
3- Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh.So. qaataan, iyaga oo aan kala gurin, sarfi kala duwanna looma sameyn karo. Arintaas oo aan diin ahaan banaaneyn (Ribo)
4- Hay’adaha Dowladda ee Fulinta shaqadan qeybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan.
Go’aanka waxaa saxiixan Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Guddoomiyaha Bankiyada Puntland Cabdi Ismaaciil Boos.