Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa amar ku siiyey shirkad Telefishanada maxalliga ah qaybisa inay ka saarto kanaalladeeda Tvga ku hadla afka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland.
Warqadda oo uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta ee Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, laguma faahfaahin arrimaha keenay in shirkadda DSAT amarkaan la siiyo, balse waxaa lagu soo koobay,sababa jira awgood, in TV-ga Somaliland looga saarayo Sanduuqa kannaalada ee DSAT,waxaana go’aankan saamaynaya keliya ah dadweynaha ku nool degaannada Puntland oo aan hadda wixii ka dambeeya fursad u heli doonin daawashada TV-ga ku hadla Afka Somaliland.
Xiisad ayaa weli ka dhex jirta Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo dagaallo ay ku dhex mareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo dhinac walba uu isagu sheeganayo
HOOS KA AKHRISO QORAALKA