Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dilalkii qorsheysnaa ee dhowaanahan ka dhacay magaalada Boosaaso.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa laga soo xigray in ciidamada ammaanka ay qabteen sarkaalkan, isla markaana uu socdo baaritaan lagu wado xaaladiisa.
Ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay ninkan la sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaab ee la qabtay, waxaana la sheegay inuu qeyb ka ahaa Alshabaabka ka howlgala Gobolka Bari.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay falal lagu dilal saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan oo maalmo gudahood lagu khaarijiyay iyadoo ay sheegatay kooxda Alshabaab inay ka danbeysay dilalkaasi.
Wadani.com