Maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku fulisay maanta dhalinyarro ku eedeysnaa Alshbaabnimo oo maxkamad ay hore xukun ugu riday.
Dhainyarada ayaa lagu toogtay magaalada Boosaaso, waxaana Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay goordhaweyd shaacisay in la fuliyay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday dhalinyarro shan qof ahaa ee 5 ee lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabsida ee Maamulka Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in saaka la fuliyay xukunkii dilka ahaa ee hore loogu xukumay, kadib markii uu shaqeyn waayay rafcaan ay qaateen.
Xukunka dhalinyarradan ayaa muran weyn ka dhaliyay degaanada Puntland, iyadoo odayaal iyo eheladda wiilashan ay sheegeen inuusan cadaalad ahayn xukunka lagu riday oo si qasab ah loogu saaray denbi aanay lahayn.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com