Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hor yimid dhismaha Guddiga Qaran ee Isgaarsiinta kaasoo uu bishii hore magacaabay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay xiriirka u jartay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo lagu caddeeyay in Puntland aysan aqoonsaneyn lana shaqeyne doonin Guddiga Isgaarsiinta Qaranka la magacaabay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA