Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maamulka Soomaalida Itoobiya oo Saddex Madaxweyne yeeshay Muddo Bil Gudaheed ah [Warbixin]

    Maamulka Soomaalida Itoobiya oo Saddex Madaxweyne yeeshay Muddo Bil Gudaheed ah [Warbixin]

    August 31, 2018Updated:September 1, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ismaamulka Soomaalida waxaa bil gudaheed soo maray seddex madaxweyne, kadib rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac salka ku haya kala shaki dhinaca isirka ah.

    Arrintaas waxay ka dhalatay markii Jigjiga ay ka billowdeen rabshado u xuub siibtay boob iyo bililiqo baahsan. Maamulka madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu eedda rabshadihii dhacay dusha ka saaray dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

    Waxaa isla waqtigaas iyagana billowday wadahadallo ay magaalada Diri-dhabe ku yeesheen odayaal iyo dhallinyaro ka soo horjeeday nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar.

    Ugu dambayntiina, wuxuu Cabdi ku dhawaaqay 8 sano oo uu gobolka xukumayey ka dib inuu xilka ka degay, kadib culeys badan oo la soo dersay. Maalmo ka dib waxaa Cabdi laga dhoofiyey Jigjiga, waxaana loo qaaday Addis Ababa, halkaasoo muddo gaaban oo xabsi guri uu ku jiray ka dib maxkamad la soo taagay.

    Dacwad oogayaasha ayaa weydiistay maxkamadda in ay siiso 14 maalmood oo ay ku soo dhammeystiraan caddeymaha dacwadda ay ku oogayaan Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale, waxayna dalbadeen in xabsiga lagu sii hayo, maxkamadduna way ka aqbashay codsigaas.

    Dhinaca kale, waxaa iyaguna socday isku dhacyo meelo kala duwan laga soo sheegay, waxayna u dhaxeeyey Soomaalida iyo Oromada, kuwaasoo aan weli xal laga gaarin.

    Waxaa si degdeg ah oo KMG ah loogu magacaabay madaxweynenimada gobolka, Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ah nin dhallinyar oo maamulka ilaa jago wasiirnimo ka soo qabtay, hase yeeshee wax badan xilka ma uusan sii haynin.

    22kii bishan Agoosto ayaa xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya wuxuu Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) oo ahaa sarkaal u shaqaynayey Qaramada Midoobay u xushay madaxtinimada ismaamulka Soomaalida.

    Sidoo kale Axmed Shide oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo xisbiga, waxaana durbadiiba laga saaray xubno loo arkayey inay ku feker yihiin madaxweynihii hore.

    Dikareeto cusub oo uu todobaadkii iminka dhamaaday soo saaray Mustafe cagjar wuxuu xilka kaga qaaday saraakiil muhiim ah oo uu ku jiro taliyihii awoodda badan lahaa e ciidanka Liyu booliska, C/raxmaan laba Go’le.

    Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in la kala diri doono ciidankaas oo uu abuuray madaxweynihii hore.

    Tallaabooyinkan oo dhan ayaa loo arkaa in ay salka ku hayaan isbeddellada uu dalka ku soo rogay ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed, oo isaga qudhiisa xukunka qabtay dabayaaqadii bishii Abril ee sannadkan, ka dib markii loo caal waayey mudaaharaadyo rabshado watay oo ka dhacayey deegaannada uu ka soo jeedo ee gobolka Oromada.

    Rabshadahaas waxay keeneen in ninkii isaga ka horreeyey, Hailemariam Desalegn uu is casilo, waxaana Abiy loo arkayey nin magacaabidiisa ay rabshadahaasi dejin doonaan.

    Dadka ku fikirka ah Cabdi Maxamuud Cumar waxay qabaan in rabshadahaas iyo cawaaqibkii ka dhashay ay yihiin waxa fidnada ka bilaabay dhulka Soomaalida, halka kuwa ku kacsan Cabdina ay ku doodayaan in Cabdi Maxamuud Cumar uu sababsaday siddeed sano oo dhulka Soomaalida ay ka dhacayeen xadgudbyo iyo cabburin dhan ka ah xuquuqul aadanaha.

    Madaxda cusub waxay iminka ku beer laxawsadeen dadka in ay soo celinayaan dhamaanba waxyaabihii uu nidaamkii hore mamnuucay sida calankii hore, heesta calanka iyo maalmaha fasaxyada ee todobaadka. Halka dadka badankiis ay aaminsan yihiin in xalki imaan doono marka danbe,  su’aashuna tahay inta uu qaadan doono..?

    Cabdi Iley DDSI Eithopia Itoobiya Jigjiga Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar)
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGaari ay wateen Ciidamo Milateri ah oo la qarxiyey iyo Qasaare dhimasho & Dhaawac leh oo soo gaaray
    Next Article Guddiyada heer Wasiir ee Somalia & Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo