Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Maanta & Madashii Baarlamaanka: Kulankii oo buuq iyo fowdo ku dhammaaday

    Maanta & Madashii Baarlamaanka: Kulankii oo buuq iyo fowdo ku dhammaaday

    November 11, 2014Updated:December 16, 20143 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa  saaka oo lagu balansanaa furitaanka shirka baarlamaanka lagu waabariistay magaalada Muqdisho ciidamo fara badan oo kuwa nabadsugidda Gobolka Banaadir ah oo ku hareereysay xarunta Baarlamaanka iyagoo la sheegay inay sugayaan ammaanka.
    Ciidamadan ayaa la sheegay inay hoostagaan Gobolka Banaadir, ayna soo dhoobeen halkaasi guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo nabad sugidda, waxayna wararku sheegayaan in cabsi weyn laga qabo shirka maanta ee Baarlamaanka inuu fowdo isu bedelo.

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
    Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa bilaabay inay ku ururaan xarunta Barlamaanka, waxaana laba dhinac ee taageersan mooshinka iyo kuwa ka soo horjeeda ay isu diyaarinayaan inay ku loolamaan gudaha Baarlamaanka, iyadoo xiisadu aad u kacsan tahay.
    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]

    Xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa durba bilaabay qorshahoodii ahaa inay  ka hortagaan mooshinka, iyagoo qeybinaya iminka qoraalo ay ku qoran yihiin “NO VOTE FOR CASH” oo ah inaan cod lagu bedelan lacag. Qoraalo ay ku qoran yihiin ereyadaasi ayay dhexdooda qeybsadeen oo mid waliba uu heystaa.

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
    XIldhibaano badan ayaa diiday inay saxiixaan buugga is xaadirinta ee lagu ogaan lahaa tirada joogta xubnaha Baarlamaanka, taasina ay caadiyan ku hubiyaan guddoonka Baarlamaanka in kooramku buuxsamay si shirka loo furo.

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
    Waxaa furmay shirkii Baarlamaanka, waxaana guddoonka Baarlamaanka uu codka siinayaa xildhibaannada…

     

    DEGDEG:

    BUUQ, FOWDO, QEYLO IYO QALALAASE AFKA LA FURTAY AYAA KA DHACAY A IMINKA XARUNTA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO LA ISKU DAYAY IN LA FURO MOOSHINKII LAGA KEENAY RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA, WAXAANA GOOBJOOGE.COM SOO GAARAY IN SHIRKII FOWDO ISU BEDELAY… GUDDOONKA BAARLAMAANKA AYAA ARRINTU FARIHIISA KA BAXDAY

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa hadda galay xafiiskiisa gudaha Baarlamaanka kadib markii uu xakameyn waayay buuqa xildhibaannada ku sugan shirka. Guddoonka ayaan shirka xirin laakiin waxaa weli hoolka fadhiya xildhibaannadii Baarlamaanka ee labada dhinac oo ay ka tafan tahay.

    Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka uu xiriir la sameeyay madaxweynaha si uu ula socodsiiyo xaalada caalwaaga ah ee ka taagan Baarlamaanka, waxaana la filayaa marka uu dib u soo laabto inuu go’aan qaato.

    Xildhibaanada qaarkood ayaa shirka Baarlamaanka ka qeybiyay warsaxaafadeedkii ay soo saartay dowladda Mareykanka oo si toos ah uga hor timid mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha.

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”2″]

    Shirkii Baarlamaanka ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo qalalaase kadib markii guddoomiyaha Baarlamaanka uu dib ugu soo laabtay shirka oo markii labaad isku dayay inuu furo shirka si loo qeybiyo mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha, waxaana diidmo qeylo iyo fowdo ah kala hortegay xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaaraha.

    Ugu dambeyn shirkii ayuu soo xiray guddoomiye Jawaari, markii uu ku guul darreystay inuu furo shirka oo maanta ahaa mid buuq miiran ah oo aan la is maqleynin. Guddoomiye Jawaari oo ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono xildhibaanada fowdada sameeyay kuna dalban doono ciidamo iyo guddiga anshaxa ayaan waxba ka faa’iidin, waxayna xildhibannadu halkooda ka sii wateen buuqooda, taasina waxay keentay inuu shirka sidaas ku soo xirmo.

    HALKAN AYAAN KU SOO GABAGABEYNAY TABINTII QORAALEED EE TOOSKA AHAA OO GOOBJOOGE.COM SI TOOS AH IDINKAGA SOO GUDBINEYSAY XARUNTA BAARLAMAANKA.

    GOOBJOOGE.COM
    MUQDISHO

    [ad name=”HTML”]

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo gaara oo la wareegay xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho
    Next Article Xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaare oo waraaqo ku qeybiyay Baarlamaanka

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo