Waxaa saaka oo lagu balansanaa furitaanka shirka baarlamaanka lagu waabariistay magaalada Muqdisho ciidamo fara badan oo kuwa nabadsugidda Gobolka Banaadir ah oo ku hareereysay xarunta Baarlamaanka iyagoo la sheegay inay sugayaan ammaanka.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay hoostagaan Gobolka Banaadir, ayna soo dhoobeen halkaasi guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo nabad sugidda, waxayna wararku sheegayaan in cabsi weyn laga qabo shirka maanta ee Baarlamaanka inuu fowdo isu bedelo.
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa bilaabay inay ku ururaan xarunta Barlamaanka, waxaana laba dhinac ee taageersan mooshinka iyo kuwa ka soo horjeeda ay isu diyaarinayaan inay ku loolamaan gudaha Baarlamaanka, iyadoo xiisadu aad u kacsan tahay.
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
Xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa durba bilaabay qorshahoodii ahaa inay ka hortagaan mooshinka, iyagoo qeybinaya iminka qoraalo ay ku qoran yihiin “NO VOTE FOR CASH” oo ah inaan cod lagu bedelan lacag. Qoraalo ay ku qoran yihiin ereyadaasi ayay dhexdooda qeybsadeen oo mid waliba uu heystaa.
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
XIldhibaano badan ayaa diiday inay saxiixaan buugga is xaadirinta ee lagu ogaan lahaa tirada joogta xubnaha Baarlamaanka, taasina ay caadiyan ku hubiyaan guddoonka Baarlamaanka in kooramku buuxsamay si shirka loo furo.
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
Waxaa furmay shirkii Baarlamaanka, waxaana guddoonka Baarlamaanka uu codka siinayaa xildhibaannada…
DEGDEG:
BUUQ, FOWDO, QEYLO IYO QALALAASE AFKA LA FURTAY AYAA KA DHACAY A IMINKA XARUNTA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO LA ISKU DAYAY IN LA FURO MOOSHINKII LAGA KEENAY RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA, WAXAANA GOOBJOOGE.COM SOO GAARAY IN SHIRKII FOWDO ISU BEDELAY… GUDDOONKA BAARLAMAANKA AYAA ARRINTU FARIHIISA KA BAXDAY
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa hadda galay xafiiskiisa gudaha Baarlamaanka kadib markii uu xakameyn waayay buuqa xildhibaannada ku sugan shirka. Guddoonka ayaan shirka xirin laakiin waxaa weli hoolka fadhiya xildhibaannadii Baarlamaanka ee labada dhinac oo ay ka tafan tahay.
Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka uu xiriir la sameeyay madaxweynaha si uu ula socodsiiyo xaalada caalwaaga ah ee ka taagan Baarlamaanka, waxaana la filayaa marka uu dib u soo laabto inuu go’aan qaato.
Xildhibaanada qaarkood ayaa shirka Baarlamaanka ka qeybiyay warsaxaafadeedkii ay soo saartay dowladda Mareykanka oo si toos ah uga hor timid mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha.
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”2″]
Shirkii Baarlamaanka ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo qalalaase kadib markii guddoomiyaha Baarlamaanka uu dib ugu soo laabtay shirka oo markii labaad isku dayay inuu furo shirka si loo qeybiyo mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha, waxaana diidmo qeylo iyo fowdo ah kala hortegay xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaaraha.
Ugu dambeyn shirkii ayuu soo xiray guddoomiye Jawaari, markii uu ku guul darreystay inuu furo shirka oo maanta ahaa mid buuq miiran ah oo aan la is maqleynin. Guddoomiye Jawaari oo ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono xildhibaanada fowdada sameeyay kuna dalban doono ciidamo iyo guddiga anshaxa ayaan waxba ka faa’iidin, waxayna xildhibannadu halkooda ka sii wateen buuqooda, taasina waxay keentay inuu shirka sidaas ku soo xirmo.
HALKAN AYAAN KU SOO GABAGABEYNAY TABINTII QORAALEED EE TOOSKA AHAA OO GOOBJOOGE.COM SI TOOS AH IDINKAGA SOO GUDBINEYSAY XARUNTA BAARLAMAANKA.
GOOBJOOGE.COM
MUQDISHO
[ad name=”HTML”]