Shirkii lagu balansanaa inuu maanta ka furmo xarunta Baarlamaanka Muqdisho ayaa la filayaai nuu wax yar kadib furmo iyadoo xildhibaannadu hadda kuwoodii ugu horeeyay ay imaanayana xarunta. Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku adkeystay in shirka dib loo furayo lana qeybinayo mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh.
Xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa kadigay in mooshinka siyaasadeysan la isku dayo in mar kale la hor keeno Baarlamaanka waxayna ku adkeysteen inay is hortaagi doonaan; halka guddoomiyaha Baarlamaanka ku hanjabay inuu ciidamo adeegsan doono. Xaaladan kacsan ayaa la filayaa in shirka lagu furo.
Xildhibaannada ayaa ku soo ororay hoolka shirka ee Baarlamaanka waxaana intooda badan ay diyaar ku yihiin madasha iyagoo isugu jira kuwii taageersanaa mooshinka, xildhibaanadii ka soo horjeeday…
10: 44 Weli xaaladu waa degan tahay xarunta Baarlamaanka, waxaa si xasiloon u fadhiya xildhibaanada iyadoo laga war sugayo guddoonka Baarlamaanka oo la filayo inuu dhowaan soo galo, markaas oo laga yaabo in isbedel ku yimaado xasiloonida la dareemayo iminka.
11:24 Iyadoo aanu weli furmin shirka Baarlamaanka ayaa xildhibaanada taageersan Ra’iisa wasaaraha kana soo horjeeda mooshinka waxay la soo baxeen qoraalo fara badan oo boorar ugu qoran kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa hoos ka muuqda:
12:18 Xilligan ayuu isku dayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu furo shirka waxaa durba bilowday hees ay ku dhifteen xildhibaanadii taageersanaa Ra’iisal wasaaraha “SOOMAALIYEEY TOOSOO” oo cirka lagu shareeray, waxaana wada istaagay xildhibaanno badan oo heestaas qaadaya ahna kuwii diidanaa Mooshinka.. Waxaa muuqata in xildhibaannada ka soo horjeeda ay ka go’an tahay inaan sinnaba loo furin mooshinka yaala oo maanta ay noqoneyso maalintii labaad ee sidan oo kale ay ka dhaceyso xarunta Baarlamaanka.
12: 43 Guddoonka Baarlamnaanka ayaa isaga baxay shirka kadib muddo buuq iyo hees ay hareysay shirka markii ay isku dayeen inay furaan, waxaana qasab ku noqotay inay ka baxaan shirka ka baxaan shirka iyagoo aan ku dhawaaqin inuu shirka xiran yahay iyo inkale. Lama oga guddoonka oo laftooda kala qeybsan waxa ay sameyn doonaan, waana xaaladii ugu adkeyd ee la soo gudboonaata.
13:45 Guddoonka Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu ka tegay xarunta Baarlamaanka iyagoo xildhibaannadii ay ku hareen shirka. Wax dhadhaqaaq ah kama socdaan shirka.
14:00 Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu madaxtooyada shir gaara kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku wargeliyay xaaladda Baarlamaanka ka taagan, lamana oga waxa ay isla gaareen, kadibna Prof. Jawaari waxay wararku sheegayaan inuu gurigiisa toos u tegay. Xildhibaannada ku sugnaa xarunta Baarlamaanka ayaa bilaabay inay kala tagaan.
14:05 Xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa ku haray madashii shirka iyo xarunta Baarlamanka iyagoo sheegay inay halkaasi ku qadeyn doonaan maanta.
HALKAAS AYAANU KU SOO GABAGABEYNAY TEBINTII TOOSKA AHAYAD EE SHIRKA BAARLAMAANKA MAANTA
[ad name=”HTML”]