Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay biyo yaraanta soo wajahday webiga Shabeele oo meelaha qaarkood ka guray, waxaana Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu shaaciyay in Itooboya ay leexsatay Webiga Shabeelle.
Wasiir Maareeye ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka ay dadaalo ay ku dooneyso inay Itoobiya kala hadasho xeritaanka Wabiga Shabeelle iyo sidii loo wada Isticmaali lahaa Biyaha Wabiga.
Waa markii ugu horeysay ee dowladda Soomaaliya ay ka hadasho arrinta Webiga biyo yareeyay ee Shabeelle oo keenay in degaano badan oo ka mida gobollada uu maro biyo la’aani ka dhacdo.
DHAGEYSO WASIIR MAAREEYE
Wadani.com