Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaciyay inuu dacwad ka gudbiyey nabaddoon eedeyn ba’an uga jeediyey warbaahinta oo ay isku beel yihiin.
Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay in Ninkan (Suldaan Maxamed Jaamac Cumar) uu yahay nin loo soo adeegsaday, ayna tahay in tallaabo sharci ah laga qaado aflagaaddda uu kula kacay.
“Shalay waxaa warbahinta la hadlay nin beeasha dhexdeda looga yaqaan ‘Boqor Daanyeer’.. ninkaasi aflagaado ayuu si miyir la’aan ah ayuu anigu ii weerarray, markaas maanta waxaan xareynay dacwad lid ku ah. Waxaan rajeynayaa inaan horgeyn doono sharciga si looga qaado tallaabo sharci ah, looguna ciqaabo, koley dad baa noo soo adeegsadaa, laakiin wixii hadda ka danbeeya waa lagula xisaabtamayaaa” ayuu yiri Xildhibaan mareeye.
Suldaan Maxamed Jaamac Cumar ayaa edeyn u jeediyey Boqor Cusmaan Buurmadow oo uu sheegay in Lacag uu kasoo qaaday Imaaraadka loo adeegsanayo Doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xildhibaan Maareeye ku tilmaamay nin 20 sano xildhibaan iyo wasiir ahaa , laakiin uu ka kori waayey in Doorasho kasta uu beesha kala qeybiyo, kuraastana boobo.
Suldaanka ayaa Maareeye ku tilmaamyu burcad, isagoo uga digay siyaasiyiinta inay soo dhoweystaan, isagoo ku lug leh, sida uu yiri odayaal la afduubay, qaarna uu doonayo inuu caleemo saaro, ayna dacwad ka gudbin doonaan kiiskiisa.
