Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Mac-hadka Heritage oo warbixin ka soo saaray saddex Qaab oo lagu xalin karo Colaadda Gaalkacyo

    Mac-hadka Heritage oo warbixin ka soo saaray saddex Qaab oo lagu xalin karo Colaadda Gaalkacyo

    December 29, 20163 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mac-hadka HERITAGE ee Daraasaadka Siyaasadda, fadhigiisuna yahay magaalada Muqdisho ayaa warbixin ka soo saaray colaadda magaalada Gaalkacyo qaabka loo xalin karo.

    Qoraal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo Mac-hadku soo saaray ayaa lagu sheegay in nabad ka dhacda Gaalkacyo ay fure u tahay nabad guud oo Soomaaliya ay hesho.

    Sidoo kale qoraalka ayaa sheegaya in raadinta xal waara oo loo helo colaadda Galkacyo uu noqon karo muhiimad Dowladda Federalka ee dhismi doonto dhowaan.

    HOOS KA AKHRI NUXURKA QORAALKA

    NUXURA QORAALKA

    •  Gaalkacyo waxa ay ahayd magaalo qeybsan tan iyo sanadkii 1993, hase ahaatee colaadda kasoo cusboonaatay magaalada waxaa asal ahaan keenay loollan loogu jiro dhul iyo dhaqaale, wuxuuna loollankan sii xogeystey kaddib markii la dhaqan geliyey nidaamka federaalka.
    • Dib u heshiisiin dhab ah oo aan dhicin, labo maamul oo magaalada ka jira, aragtiyo khaldan oo bulshada ka dhex jira, dowladda dhexe oo aan tabar badan lahayn, iyo warbaahinta oo buunbuunisa colaadda ayaa waxa ay qeyb ka qaateen in colaadda Gaalkacyo daba dheeraato.
    • Waa in la sameeyaa guddi-bulsheed wadajir ah, kaasi oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u bilaabaan wada-hadal iyo wada xaajood dhab ah oo horseed u noqda in nabad waarta loo helo colaadda Gaalkacyo. Maamullada Puntland iyo Galmudug waa in ay si wadajir ah isaga kaashadaan dhanka amniga isla markaana ay dhisaan guddi midaysan oo sugidda amniga ka shaqeeya, mas’uulna ka noqda sugidda ammaanka iyo xasiloonida magaalada.
    • Waxaa jira saddex qodob oo xal waara u noqon kara is mari-waaga Gaalkacyo. Xalka koowaad waa in magaalada Gaalkacyo ay noqoto magaalo ay dawladda dhexe maamusho. Xalka labaad waa mid gobolka Mudug u qeybinaya laba gobol, magaalada Gaalkacyo-na labo loo kala qeybiyo. Xalka saddexaad waa gorgortan iyo heshiis dhex mara labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, ayna ku heshiiyaan in midkood uu magaalada maamulo amaba ay dhistaan maamul wadajir ah. Daraaseynta iyo falanqeynta saddexdan qodob waxa ay aasaas u noqon doonaan xallinta is-heysiga ka imaanaya dhanka dastuurka, dhulka iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada maamul ee ka jira gobolka Mudug.
    • Waa in laga gudbaa dhaqanka ah in hoggaamiyeyaasha bulshadu aaney sharciga ka cabsan. Shakhsiyaadka hurinaya colaadda Gaalkacyo waa in lagula xisaabtamaa dhibka ay shacabka u geysanayaan. Dilka iyo barakacinta dadka rayidka ah waa xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa in uu door weyn ka qaataa baaritaanka iyo laxisaabtanka xadgudubyada bini’aadamnimo oo ka dhaca Gaalkacyo.

     

    Gaalkacyo Heritage Mudug
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Koox Wasiiro iyo Xidhibaano ah oo Qorshe la yaab leh u diyaarisay dib u sharxidda Prof. Jawaari
    Next Article Ingiriiska oo ku biiray Dowladaha sharciga la tiigsan doona Musharixiinta Soomaalida ee…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo