Faahfaahin ayaa laga helay qasaaraha Madaafiic Hoobiyeyaal lagu weerarray Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee magaalada Muqdisho oo Saaka aroortii ku dhacay xaafado ka tirsan Caasimadda.
Qaar ka mida Hoobiyeyaashaas ayaa ku dhacay xaafada Buulo-Eelaay ka tirsan Degmada Waaberi, waxayna haleeleen Qoyska ka kooban Macalin Dugsi Qur’aan iyo laba caruur ah oo uu dhalay, markii uu Madfac ku habsaday Gurigoodii.
Sidoo kale waxaa madfaca ku dhaawacmay Hooyadi iyo laba caruura oo kale, waxaana Macalinka oo lagu magacaabi jiray Macalin Aweys Maadey Muudey iyo Qoyskiisa oo ka koobnaa lix qof ay ehelkiisa sheegeen inuu ka mid ahaa dadka barakacayaasha ah ee degmadaasi ku nool.
Madaafiicda xilligii Salaadii subax ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa lala beegsaday Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sheegtay Alshabaab.
Dhowaan ay ahayd markii ciidamada dowladda ay sheegeen inay la wareegeen Guri ku yaalla Hoobiyeyaasha laga soo tuuri jiray oo ku yaalla degaanka Garasbaalley.
Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan ka hadlin Hoobiyeyaasha lagu weerarray Xarunta Madaxtooyada Muqdisho.