Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox Dabley ay toogasgho ku dishay nin la sheegay inuu ahaa macallin Dugsi Qur’aan.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Waaberi, gaar ahaan Buundooyinka, waxaana kooxda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta kadib falkaasi, waxaana macalinka Dugsi Qur’aanka ee la dilay lagu magacaabi jiray Mukhtaar Abuubakar Xaamud, isagoo ku sugnaa Dugsiga C/raxmaan Bin Cawf ee Qur’aanka xilliga la dilay.
Lama yaqaan sababta loo beegsaday dil macallinka iyo cidda ka danbeysay dilkiisa, waxaana goobta gaaray Ciidamada amniga oo aan ku guuleysan inay soo qabtaan dadkii falkaasi ka danbeeyay.