Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Macalin Maxamud: “Ahlu Suna Guriceel way u dhowdahay, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa”

    Macalin Maxamud: “Ahlu Suna Guriceel way u dhowdahay, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa”

    November 8, 2021Updated:November 8, 20214 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Macalin Maxamuud Sheekh Xasan
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha guud ee kooxda Ahlu Sunna Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah, ayaa sheegay inay Guriceel uga baxeen codsi uga yimiş culimada iyo waxgarad, ayna ku sugan yihiin meel u dhow.

    Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, balse wuxuu ku dooday in iyaga lagu soo qaaday: “Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ahaa. Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, dagaal ma billaabaan mana huriyaan. Marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdeenni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan iclaaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo ururkan argagixisada ah ee dalka ku faafay. Siyaaradii lafteeda annagoo joogna ayaa weerar baa nalagu soo qaaday, waxaa nagu soo qaaday dowladda Galmudug oo ay kaalmo u ahaayeen ciidanka Soomaaliya oo dhan” ayuu yiri Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay BBC-da.

    Mar wax laga weydiiyay wararka sheegayay in madaxda Ahlu Sunna ay Guriceel u tageen ujeeddooyin ku saabsan sidii ciidamo iyo hub loo aruurin lahaa ayuu Sheekha ku jawaabay: “Innaga dowlad ka ah halkaas. Horta marka hore waxaysan dadku aqoonsaneyn in meesha aan joognay ay ahayd meel aan annagu dowlad ka ahayn 12 sano, muddadaas gudaheedana wax argagixiso la yiraahdo ma soo galin umana soo dhawaanin”.

    Wuxuu sii raaciyey: “12-kaas sano dadkii meesha joogay ciidankoodii xagee buu jiraa? waxyaabaha laga been sheegayo waxaa ka mid ah ‘ciidan aruuris baad gasheen’, maxaa la aruurinayaa? meeshaba ciidankii aan annagu lahayn mooyee wax ciidan ah oo kale ma joogin,” ayuu yiri guddoomiyaha Ahlu Sunna oo meesha ka saaray ciidamada maamulka Galmudug.

    Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhanka kale sheegay in Ahlu Sunna ay aqoonsan tahay maamulka Galmudug, balse waxa uu intaas ku daray: “Haddii aannaan aqoonsaneyn waxaan oo dhib ahba ma imaan lahayn. Waan aqoonsan nahay, waana caddeynay, laakiin ma aha maamulku hadduu noqdo mid ilaalinaya argagixiso. Markaas maamulnimadii ayuu ka baxayaa”

    “Guriceel waa gurigeennii, Dhuusamareeb waa gurigeennii, anigan kula hadlaya ayaa ku dhashay, Sheekh Maxamed Shaakir baa ku dhashay, xagey ka timaaddaa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaa? dowlad ma tahay marka horeba?”.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waan hubeysneyn waligeenba, 12 sano ayaan joognay, oo aan hub heysannay, ma saakaa la billaabay? Annagu gurigeenni baan tagnay.”

    Arrimaha cusub ee Sheekh Maxamuud uu wareysigan ku sheegay waxaa ka mid ah in Ahlu Sunna ay yihiin xoogagga kaliya ee gobollada dhexe u jooga inay la dagaallamaan al-Shabaab. Waxa uu ku gacan seyray in arrintaas ay tahay shaqo u taalla dowlad goboleedka Galmudug oo hoos tagta dowladda federaalka.

    “Maya, uma xil saarna ayaga, annaga ayaa u xil saaran. 12 sano ka hor markaan u xil saarneyn xagee bay joogeen ayagu? Haddase, annagu markii aan ka saarnay, ciidankeennii soo laabtay isla saacaddiiba weerar baa laga hor geeyay,” ayuu yiri.

    Dagaalka ayuu sheegay inay joojiyeen, magaalada Guriceel-na ka baxeen kaddib markii loo soo gudbiyay codsi ku aaddan in ay xaaladda dajiyaan. Wuxuu kaloo beeniyay inay taageero ka heleen dhinacyo kale, wuxuuna wax lagu qoslo ku tilmaamay inay taageero ka helaan Puntland. 

    “Annagu dhaqaalaheenna waligeen jeebkeenna ayuu ahaa, jeebkeenna ayaan kala soo baxnaa. Dadka aan imaanka lahayn baa dhaha ‘dhaqaalaha qoladeen u doonannaa?’, annagu Ilaahay baan u doonannaa dhaqaalaha, asagaana na siiya, waana heleynaa, marka ma weyno dhaqaale.”

    Mar uu ka hadlay halka ay ku danbeyeen ayuu yiri: “Ahlu sunna guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yimid culimada Islaamka oo Ahlu Sunna Wal Jamaaca ah iyo dad madax ah.”

    Mid ka mid ah ujeeddooyinka ay u baxeen ayuu sheegay inuu ahaa in waddada loo furo billaabashada wadahadal, “balse ilaa hadda aan la billaabin wadaxaajood”.

    “Annagu ujeedadeenna waa inaan joogto gurigeenna, wixii aan daafici jirnay oo ah caqiido, dad iyo diin ah baana daafaceynaa, ninna ka baryi meyno haddey arrintu noocaas noqoto.” 

    Wadahadalka ayuu sheegay inay ku galayaan labo darajo oo kala ah inay yihiin “Ahlu Sunna iyo inay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha”.

    Ugu dambeyn waxa uu sheegay qorshahooda ku aaddan haddii uu dhici waayo wadahadal. “Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa.”

    Ahlu suna Galmudug Guriceel Macallin Maxamuud Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Puntland oo mar qura magacaabay Taliyeyaashii ciidan ee ugu badnaa ka hor Doorashada
    Next Article Maxaa ka jira in xarunta Midowga Afrika laga wareejinayo Magaalada Addis Aabba? (Qoraal)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo