Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Macallimuu: “Markii uu Qaraxa dhacay Dhulkaan ku dhacay, Qiiq iyo uuro ayaa afka iga buuxiyay”

    Macallimuu: “Markii uu Qaraxa dhacay Dhulkaan ku dhacay, Qiiq iyo uuro ayaa afka iga buuxiyay”

    February 15, 2022Updated:February 15, 20222 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxamed Ibraahim Macallimuu oo shaaciyey inuu weli u taagan yahay kursi ka mida Golaha Shacabka, kana sheekeeyay qarixii qabsaday

    Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa faahfaahin ka bixiyay Qaraxii is-miidaminta ahaa ee lala beegsaday 16-kii January, kana dhacay magaalada Muqdisho.

    Macallimuu ayaa sheegay in sida qaraxa u weynaa iyo fogaanta dhow ee uu u jiray qofka is-miidaamiyaha ahaa ee doonayey inuu dilo, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday Qaraxaasi oo Alshabaab ay sheegatay.

    “Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu oo xaaladdiisa caafimaad soo hagaagaysa, laguna daweynayay isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga..

    Isagoo ka hadlayey xilliga uu qaraxu qabsaday ayuu yiri: “Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is bedashay. Markaan gaariga saartay laptop-kii aan watay ayaa waxaan arkay xariga kabta oo iga furan. Anigoo xiranaya ayaa waxaan arkay qof isa soo maqiiqay oo meel aan fogeyn soo cararaya. Waxaan xusuustaa in albaabka gaariga qeybtiisa dambe aan ku riixay oo aan jug ku siiyay. Laakiin xoog iyo xeelad qofkaa looga baxsan karay ma jirin ee awoodda Alle ayaa i badbaadisay,”.

    Macalimuu ayaa sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib ay niyadiisa u sheegtay in ugu yaraan qeyb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay. “Markii uu qaraxa dhacay dhulkaan ku dhacay. Qiiq madow iyo uuro ayaa afka iga buuxiyay. Markii hore waxaan is lahaa ugu yaraan qeyb kamid ah jirkaaga ayaa maqan, laakiin markii aan dhulka ku dhacay ayaan gacanta isku hubiyay. Alxamdullilah, waxaan arkay inuu jirkeyga taam yahay,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu oo soo noqday Weriye u soo shaqeeyay warbaahin ay BBC-da ka mid tahay.

    “Dhul kale ma qabo oo aan Soomaaliya ahayn. Anigoo intaan ka dhalinyar ayaan soo maray caasimadaha 15 dal oo Yurub ah, qaarkoodna aan ka soo shaqeeyay, weligeyna kuma fekerin in aan is dhiibo,” ayaa ka mid ahaa wareysi uu afhayeenka dhaawacnmay ee xukuumadda Soomaaliya uu siyey BBCSomali.

    Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in uu weli u taagan yahay kursi kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Qisada Askari dilay Mooto-Bajaajle, kadibna baxsaday oo Toogasho lagu xukumay
    Next Article Ninka loo xiray Kursigii uu ku fadhiyay C/weli Muudey oo lasoo bandhigay (Akhriso Magacyada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo