Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Macallin Farmaajow Mahadsanid: “5 Sano oo Casharro baraatiko ah” (Qormo Culus)

    Macallin Farmaajow Mahadsanid: “5 Sano oo Casharro baraatiko ah” (Qormo Culus)

    April 22, 2022Updated:April 22, 20224 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad kobcisay wacyiga iyo ogaalka dad badan. Dad  danahooda iska raacan jiray, oo aan siyaasadda iyo xaalka dalka waxba kala socon jirin ayaad ku qasabtay in ay hurdada ka kacaan oo ay aragti ka yeeshaan waxa dalka ka dhacaya. Aan kuu tusaalaayee, Mohammed Deeyoo oo fanka ka shaqeyn jiray ayaad ka dhigtay muwaadin dhiifoon oo ka faalloodo xaaladda iyo masiirka dalka.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Dadka ayaad na kala bartay. Waxaad abuurtay duruufo iyo xaalado adag oo lagu imtixaanay damiirka iyo dadnimada qofka. Waxaad kala miirtay dad badan oo isku dhex jiray. Doqonta iyo waxgaradka ayaad na kala tustay. Danleyda raqiista ah ee la iibsan karo ayaad naga bartay kuwa mabda’a iyo dadnimada leh ee aan ogoleyn in damiirkooda shilimaad lagu gorgoriyo. Dambiyadii waaweynaa ee dalka ka dhacayna waxaad ku barannay in dad badan oo xuquuql-insaanka iyo xuquuqda haweenka u doodi jiray ay ku qaraaban jireen ee aysan ka aheyn wax ay aaminsanaayeen.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Dad badan oo rajo ka qabay in Soomaaliya xoog iyo kalitalisnimo lagu haysan karo ayaad u caddeysay in dadkeennu feejigan yihiin oo aan dalkaan lagu dhaqi karin wax aan heshiis lagu aheyn. Waxaad nagu baraarujisay halista ay leedahay in xil loo dhiibo qof aanan aqoon durugsan loo laheyn. Waadna ku mahadsan tahay in aad gubtay kaarka waddaniyadda bugta ah oo aanan mar dambe lagu qaraaban doonin.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tusay sida ay maalmuhu u wareegayaan oo qof shalay xoog badnaa uu maanta u noqon karo miskiin tabar yar. Waxaad na bartay in ay muhiim tahay in qofku inta uu tabarta leeyahay uu sharciga ilaaliyo, si sharciguna isaga ugu hiilliyo maalinka uu tabar yar yahay ee uu u baahan yahay sharci uu maciinsado. Waxaad sidoo kalena na bartay in ay fiican tahay in uu qofku mar kasta ka dhiidhiyo dulmiga loo gaysanayo dadka kale. Dad badan oo shalay ku faraxsanaa dulmi lagula kacay dad kale ayaan aragnay iyagoo oo cabaadaya, kaddib markii uu soo gaaray dulmigii ay shalay taageersanaayeen.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad furtay doodo iyo qadiyado waaweyn oo ay qasab tahay in ay Soomaalidu iska warsato. Dad badan oo nidaamka Federaalka saluugsanaa ayaad ku qancisay in Federaalku yahay xalka ugu fiican ee Soomaaliya ku badbaadi karo, maadaama ay suuragal tahay in uu Villa Soomaaliya soo fariisto hoggaamiye damac gurracan adiga oo kale. Dad badan oo qabiilkooda aqoonninna waxaad ku qasabtay in ay hurdada ka toosaan oo ay qabiilkooda iyo qabiilkada kaleba kala bartaan. 

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na bartay in aan laablakac, qiiro been ah iyo qardajeex Soomaaliya lagu dhisi karin. Qofkii isku dayana uu ugu dambeyn isagoo tabar iyo talaba seegay ku nafbixi doono meel bahgooyo ah oo aysan ka dhoweyn cid u soo ciidamisa. 

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na bartay in dadka caadaqaatayaasha ah ay dantooda daacad u yihiin ee aysan aheyn walaalo kula dhashay oo mar kasta ku garabtaagan. Waxaan aragnay dadkii markii aad shalay xoogga laheyd kuu sacabtumi jiray oo maanta kaa kala firxaday markii ay arkeen adiga oo sii nafbaxaya, kuuna gefaya si ay dadka kale u tusaan in ay kaa soo kala carareen.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tusay sida ay dadku u kala qeybsan yihiin. Dadka ciilka iyo cuqdadda qaba ee jecel in dadka ay naceybka u qabaan la dhibaateeyo ayaad naga bartay dadka kale ee jecel in nabad lagu wada noolaado.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. Waxaad na tustay in dadka dulmidiidka ah ee damiirkoodu nool yahay ee ay mar kasta ka mustaqbal fiican yihiin caadaqaatayaasha danleyda ah. Waxaan aragnay kuwii shalay dulmiga kuugu sacabtumayay oo maanta dhibbanayaal u ah in ay adiga ku taageereen iyo raggii kula dagaalay oo si dhib yar ku soo helay kuraasta beelahooda.

    Macallin Farmaajow mahadsanid. 5 sano ayaad nagu bartay cashirro baraatiko ah oo aanan iskuullada iyo jaamacadaha lagu dhigin.

    In badan mahadsanid Macallin.

    Waxa Qoray: Hussein Sabrie

    Farmaajo Hussein Sabrie Qormo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiiro kusoo baxay Doorashada ka socota Ceelwaaq (Akhriso Kuraasta lagu doortay)
    Next Article Jadwalka Hal-jeedinta 25-ka Musharax ee u taagan Guddoonka Golaha Shacabka oo lasoo saaray

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo