Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Machadka Heritage: “Sida loo doonayo in Doorashada 2020 loo boobo, waxaa i qarso noqon doona boobkii 2016-kii”

    Machadka Heritage: “Sida loo doonayo in Doorashada 2020 loo boobo, waxaa i qarso noqon doona boobkii 2016-kii”

    November 13, 2020Updated:November 13, 20203 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Machadalka cilmi baarista Heritage ayaa warbixin faallo ah kasoo saaray xaaladda Doorashada dalka iyo qaabka loo wado, isagoo ka digay inay doorasho ku socoto mid kasii daran boobkii ka dhacay doorashadii 2016.

    “Sida loo doonayo in doorashada 2020 loo boobana waxay u eg tahay in boobkii 2016-kii
    uu noqon doono i qarso” ayaa lagu yiri faallada Machadka Heritage oo sidoo kale soo jeedisay tallooyin wax looga qaban karo Doorashada.

    HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA

    Markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka, dalka waxaa u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka, taas oo ah: dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo la mid ah doorashadii 2016-ka.

    Guddiga la yiri doorasho ayay qabanayaan waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed.

    Magacaabistaasi waxa ay ka hor imaanaysaa heshiiskii bishii September ay madaxda owladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kastaa uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan. Dadka hadda guddiyaasha doorashada loo magacaabay ma ahan oo kaliya inay yihiin dad madaxda kala duwan ku kala xiran, balse waa dad guddiyadaas loogu daray oo kaliya inay ka shaqeeyaan maslaxadda madaxda magacaabatay ee heer federal ama heer dowlad goboleed.

    Nasiib darro, habkani, waa hannaankii la isticmaalay 2016-kii oo waa ayadii saraakiil ku Dhaweyd madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay hoggaaminayeen isla markaana boobayeen doorashii 2016-ka, kuwaas oo doorashadaas ka dhigay mid musuq xoog iyo xaqdarro harraysay. Sidaas oo ay tahay, wax isdaba marintii doorashadii 2016-ka kuwii ka danbeeyey wax weyn kama aysan faa’iidin, laakiin waxaa xildhibaanno laga dhigay in badan oo kamid ah kuwii ay u xaglinayeen madaxdii dowladaha (heer federaal iyo heer maamul goboleed) iyo masuuliyiintii ay doorashada u dhiibteen. Boobka doorashadii 2016-ku waxa uu ahaa mid mahadhooyin reebay ilaa haddana Soomaali ay hadal hayso, sida loo doonayo in doorashada 2020 loo boobana waxay u eg tahay in boobkii 2016-kii uu noqon doono i qarso.

    Waxaa jira tilmaamo badan oo muujinaya in madaxda federaalka iyo kuwa gobolladu ay doonayaan inay mar kale doorashada u musuqmaasuqaan sidii doorashadii 2016-dii loo musuqay, iyagoo quud darraynaya inay guul ku gaari karaan boobka doorashada. Nasiib darro, boobka iyo musuqa doorashadu waxa uu macno dilayaa hannaanka doorashada iyo Dowladnimada, waxa uuna shacabka dhaxalsiinayaa inay ka quustaan dowlanimada iyo inay ka aamin baxaan inta siyaasadda ku jirta. Taasina waxay caqabad ku noqonaysaa dhisidda qaran dimuqraadi ah. In shacabku kalsooni ku qabaan hannaanka doorashooyinkana waxay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay nabad hesho qaranna uu u dhismo.

    Click to access Somali-translation-of-election-commentary-Final-.pdf

    Doorashada Machadka Heritage
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerar Bam oo ka dhacay magaalada Jowhar iyo faahfaahin laga helay
    Next Article Ciyaar magaalada Hargeysa ku dhex martay laba kooxood oo dhalisay shaqaaqo & Askar lagu dhaawacay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo