Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa xalay saqdii dhexe kadib ku dhacay Xaafado ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Xaawo-taako.
Weerarka oo dhacay kadib 2:00 (Sideed Saac habeenimo) ee saqda dhexe kadib Xilliga Muqdisho ayaa dadka degaanka sheegeen inay maqleen madaafiic dhowr ah, waxayna qaarkood geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaaafiicda ayaa ahaa kuwii ugu badnaa, iyadoo ay gaareen 7 madfac oo qaarkood ku dhacayGuryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo xilligaas hurdayey. Qoyskan madfaca ku habsaday ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 8 qof, halka qof shacab ah uu ku dhintay.
Weerarkan Madaafiicdan ah ayaa imaanaya iyadoo bandow la geliyey caasimadda Muqdisho, isla markaana maanta la filayo inay dhacdo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Alshabaab ayaa qaaday weerarrada Hoobiyeyaasha ah, iyadoo adeegsata Gaadiid ay la tagaan xaafadaha degmooyinka u dhow Garoonka Muqdisho, sida dhacday munaasabado badan, xaafadahaas oo aanay ka howlgelin ciidamo amni.