Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dabaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo doorashada madaxweynaha Galmudug loo doortay Axmed Ducaale Geellle Xaaf ay ka dhacday magaaladaasi.
Dabaaldega doorashada Xaaf dartiis ayaa la sheegay in rasaas xoog leh cirka loo riday iyadoo la soo weriyay in hubka la riday ay ku jireen madaafiic qasaare geysatay.
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dhowr qof uu dhaawac ka soo gaaray madfac dabaaldeg ayaan loo riday oo ku dhacay xaafado ka tirsan Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ka taliso.
Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ku doortay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo noqonaya madaxweynihii labaad ee Galmudug, kadib markii uu is casilay madaxweynihii hore ee maamulkaasi C/kariin Guuleed.
Wadani.com