Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Madasha Talo-wadaag oo qabatay Dood Qaran oo ku saabsan Xiriirka Dowladda & Maamul Goboleedyada [Bayaan]

    Madasha Talo-wadaag oo qabatay Dood Qaran oo ku saabsan Xiriirka Dowladda & Maamul Goboleedyada [Bayaan]

    October 18, 2018Updated:October 19, 20184 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madasha Talo-Wadaag ayaa Dood qaran oo ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku qabatay Magaalada
    Muqdisho.

    Doodaas oo ay ka soo qeyb galeen 150 qofood oo kala socday qeybaha bulshada sida Golaha Shacabka, Aqalka sare, Gudiyada Qaranka, Golayaasha Maamul Goboleedyada, Gudoomiyaal Xisbi, siyaasiyiin aan xil hayn, Hogaamiyaasha Bulshada Rayidka sida Dhaqanka, Culimaa-u-diinka, Haweenka, Dhalinyarada, Ganacsatada, Jaamacadaha, iyo Xaruumaha Cilmi baarista iyaga oo dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay sababaha keena Khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya dowladd Federaalka iyo Dowlad Goboleedka iyo curinta aragtiyo wax ku ool ah oo xal u noqon kara khilaafaadkaas.

    Ugu horeeyntii waxaa laga soo jeediyay labo Cilmi baaris oo ay soo gudbiyeen Prof. C/shakuur Sheekh Xasan Faqiih oo ka tirsan Jaamacada Muqdisho iyo Dr Maxamed Axmed Sayid oo ka tirsan Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed iyagoo si cilmiyeeysan uga hadlay taariikhdii hore ee isqabqabsiga iyo khilaafaadkii dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ka dhex jiray xiligii ku meel gaarka ilaa iminka, sababaha keena khilaafka, wadashaqeyn la’aantii dhacday marmarka qaar, waajibaadka saran dowladda dhexe iyo sidoo kale Waajibaadka saran maamul goboleedyada, waxayna soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah.

    Kasoo qeyb galayaasha ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib diirada saaray in marka laga yimaado faragelinta shisheeye in ay jiraan arimo kale oo sal u ah khilaafaadka soo noqnoqday sida Dustuurka oo qabyo ah, Shuruucdii Federaalka ah oo aan jirin, iyo in si qarbo qarbo ah oo aan tashi badan la gelin lagu dhisay maamul goboleedyada, iyo qaabkii siyaasadda dalka u socotay oo isbadal ku yimid oo ay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadana ay sidaa si ka duwan u soo dhaqmi jireen.

    Dhanka kale waxaa la muujiyay in dowalada dhexe looga baahan yahay in ay dowr nabadoonimo ay kula dhaqanto maamul goboleedyada iyadoo la fiirinayo in dalku weli ku jiro xaalad dib u heshiisiin, maamul goboleedyadana ay curdin yihiin, nidaamka federaalkana uusan weli u hana qaadin si dhameystiran.

    Gunaanadkii ka qeyb galayaasha Dooda Qaran ee Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda dhexe iyo Dowalad Goboleedyada waxaa ka soo baxay talooyin iyo Baaq.

    Talooyinka:

    1- In la dhameystiro Dustuurka Qabyada ah, isagoo aasaas u ah dowladnimada iyo kala xadeynta awoodaha Hay’adaha federaalka, laguna cadeeyo awoodaha heer federal iyo heer dowladd Goboleed, iyo sidoo kale sareeynta Awooda dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

    2- In Barlamaanka Federaalka uu dedajiyo dhamaan Shuruucda xiriirka la leh Arimaha Federaalka si fasiraad sax ah iyo fulinba loogu helo qodobada dustuurka ee guud, sidoo kalana loo helo Maxkamadii Dustuuriga iyo Maxkamad geli karta khilaafaadka dowalada federaalka iyo Dowlad goboleedka.

    3- In shacabka soomaaliyeed iyo hogaamiyaasha siyaasadeed heer walba ay u istaageen dib u eegis iyo dib u habeyn in lagu sameeyo qaab dhismeedka Dowlad Goboleedyada iyadoo oo lagu dhisay degdeg, dano daroosho, dano shisheeyo iyo Shuruuc qabyo ah oo khilaafsan Dustuurka Federaalka.

    4- In Hogaamiyaasha Dowalad Goboleedyada u daayaan awoodaha dowaldda dhexe ee ku cad Dustuurka, gaar ahaan Qodobka 54aad sida Arimaha Dibadda , Difaaca Qaranka, Jinsiyadaha iyo Socdaalka iyo siyaasadda lacagta iyo maaliyada, arinkaana aan mugdi lagulin heshiisyo ay daba ka riixayeen Beesha Caalamka.

    5- In Barlamaanku Shuruuc u badalo dhamaan heshiisyada ay gaareen dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ee ku aadan; Dakhliga, qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka iyo Amniga Qaranka ee ugu danbeeyay heshiiskii Baydhaba.

    6- In si wadajir ah looga wada qeyb qaato daahfurnaanta iyo la dagaalanka musuq maasuqa, lana xisaabtamaan Hay’adaha Federaalka sida Hanti dhowrka, Garsoorka, Dowlad Goboleedyada si loo dhowro hantida Qaranka ee Gobolada iyo Caasimada loona dhowro daahfurnaanta iyo isla xisabatanka.

    7- In Dowladda Federaalka si siman u gaarsiiso kaalmooyinka iyo mashaariicda ay ka hesho Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

    Baaq :

    1- In Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Golayaasha Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay u wada istaagaan si wadajir ah dhammeynta khilaafka taagan iyadoo loo marayo wada-hadal, isafgarad ka madax banaan faragelin Shisheeye.

    2- In dowladda federaalka qaadato dowr hogaamineed iyo isku wadid, si la mid ahna ay qaataan Madaxwyenayaasha Dowlad Goboleedyada dhowrista shuruucda dalka, kala sareeynta awoodaha sharcigu bixinayo, dhowrista madaxbanaanida iyo dowladnimada.

    3- Madasha Shirku waxay soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeel waxayna ugu baaqaysaa Dowlad Goboleedyada in ay ku daydaan wadadii Hirshabelle.

    4- In Dowlada Federaalka ay xal waara u raadiso khilaafaadka murugsan ee ka jira Dowlad Goboleedka Galmudug.

    5- In Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ay ku qabtaan doorashooyinka xiligii loo xadiday oo aan dib u dhac iyo kororsi lahayn, lana qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.
    loogana dhigin marmarsiiyo khilaaf.

    6- In doorashada Dowlad Goboleedyada la gaarsiiyo heer gobol, degmo iyo tuulo si shacabku u yeeshaan matalid dhab ah.

    7- In Shacabka iyo Hogaamiyaasha Soomaaliyeed iaygoo isku duuban ay ka shaqeeyaan horumarka siyaasadeed, bulshadeed, dhaqaale iyo amni.

    8- In doodaha noocaan ah loo baahan yahay sidaa darteedna la badiyo.

    Federaalka Maamul Goboleedyada Talowadaag Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXAAF oo lebistay dareyska Milateriga, kuna dhawaaqay dagaal lagu qaadayo Alshabaab [Sawirro]
    Next Article Gaari Aroos Galbinayey oo lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo