Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madasha Talo-Wadaag oo tallooyin ka soo saartay Doorashooyinka K/Galbeed iyo Puntland [Akhriso]

    Madasha Talo-Wadaag oo tallooyin ka soo saartay Doorashooyinka K/Galbeed iyo Puntland [Akhriso]

    November 6, 2018Updated:November 6, 20184 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno xilal kasoo qabtay ayaa qoraal talo soo jeedin ah kasoo saaray Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada koofur Galbeed iyo Puntland.

    Dood ay kasoo qeyb galeen xildhibaano, xubno ka tirsan Xisbiyada siyaasadda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu soo bandhigay tallooyin fikrado la xiriira hanaanka loo qaban karo doorasho xallaal ah oo nabadgelyo ku dhacda maamul Goboleedyadaasi.

    War-murtiyeedka waxaa akhriyay siyaasiga C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij), wuxuuna u qornaa sida soo socota:

    Madasha Talo-wadaag oo dood qaran ka sameysay  Doorashooyinka koofur Galbeed iyo Puntland

    Madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin xilal muhima dalka ka soo qabtay ayaa waxay doodii Qaran ee 2aad ku qabtay Muqdisho, doodaas oo ku saabsaneyd; Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada koofur Galbeed iyo Puntland iyo saameynta ay ku leeyihiin  siyaasadda Soomaaliya,  doodaas oo ay ka soo qeyb galeen xildhibaano, Xisbiyada siyaasadda,  Dhaqan,  Culimaa-u-diin, Haween, Dhalinyaro, Ganacsato, Jaamacado iyo Xarumo Cilmi baaris ayaa waxaa gabagabadii ka soo baxay warmurtiyeed uu aqriyay siyaasiga caanka ah Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij-

    WARMURTIYEEDKA

    Dood Qaran II: Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada iyo Saameynta Siyaasadda Soomaaliya (Koofur Galbeed iyo Puntland)

    (Muqdisho: 05-11-2018) Madasha Talo-Wadaag ayaa doodii qaran ee labaad oo ku saabsan “Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada iyo Saameynta Siyaasadda Soomaaliya (Koofur Galbeed iyo Puntland)”, ku qabatay Paradise Hotel ee Magaalada Muqdisho.

    Dooda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano Fedaraal, Golayaasha Maamul Goboleedyada, Gudoomiyaal Xisbiyo, Siyaasiyiin aan xil hayn,  Dhaqan,  Culimaa-u-diin], Haween, Dhalinyaro, Ganacsato, Jaamacado iyo Xarumo Cilmi baaris.

    Ugu horeeyn waxaa laga soo jeediyay dooda laba warqad Cilmi baaris oo ay soo kala jeediyeen Dr. Saadaq Eenoow oo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland iyo Mudane C/qaadir Nuur Caraale oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed. Iyaga oo si khibrad iyo waaya aragnimo leh oo cilmiyeeysan usoo jeediyey taariikhda doorashooyinkii hore ee ka dhacay labadaas Maamul Goboleed iyo mursharixiinta u taagan isbadal doonka oo raba in ay xilka hantaan meelna uga soo wada jeestaan madaxweynayaasha xilka haya ee tartamaya. Iyaga oo diirada saaray doorashooyinka Madaxweyne ee nagu soo fool leh 17 November 2018  ee Koofur Galbeed iyo 8 Janaayo 2019 ee Puntland, Shuruudaha laga rabo madaxweynayaasha, magacyada tartamayaasha, iyo miisaanka ay ku leeyihiin xildhibaanada. Warqadaha cilmiga ayaa tilmaamay in doorashooyinka dhacaya ay ka xiiso badan yihiin kuwii horay u dhacay, saameyn lixaad leh oo togan ama taban ay ku yeelan doonaan siyaasadda mustaqbalka soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021.

    Kasoo qeyb galayaasha ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib diirada  saaray  muhimadda ay leedahay in doorashooyin ka dhacaan Dowlad Goboleedyada dalka taas oo horumar u ah in xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka ay  doortaan, iyadoo farta lagu fiiqay fursadaha badan ee ku jira doorashooyinka oo ay ugu horeyso suurtagalnimada isbadal horseedi kara in laga gudbo mad-madowga iyo khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowladd Goboleedyada qaarkood gaar ahaan Koofur Galbeed iyo Puntland.

    Dhanka kale waxaa la muujiyay in tirade musharixiinta ay korortay taasoo muujineysa muhimada Dowlad goboleedy-du ku sii yeelanayaan siyaasadda soomaaliya oo sii kordhaysa, adeegyada iyo matalaaduna ay gaarayso dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa laga dhawaajiyay muhimadda ay leedahay in doorashooyinka la daadajiyo ilaa heer tuulo oo is doorashada iyo mataalaadu aysan  noqon uun xildhibaanada iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, oo dalka laga hirgeliyo doorasho Dowlad Deegaaneed (City councils).

    Gunaanadkii ka qeyb galayaasha Dooda Qaran ee labaad ee “Doorashooyinka Dowlad-Gobaleedyada iyo Saameynta Siyaasada Dalka” waxaa ka soo baxay talooyin iyo Baaq.

    Talooyinka :

    • In la dhiirgeliyo doorashooyinka ka dhici doona Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Puntland, lagana wada shaqeeyo in ay u dhacaan si xor iyo xalaaal ah.
    • In Bulshada Rayidka, Xisbiyada Siyaasadeed ee diiwaan gashan in ay ka noqdaan korjoogayaal doorashooyinka Gobalada.
    • In Gudiga Doorashooyinka Qaran ka ciyaaran dowr weyn si loogu guuleysto habsami u socodka doorashooyinka, tababar iyo caawin siiyaan Gudiyada Barlamaanka ee daadihin doono doorashooyinka, mustaqablakana Gudiga Doorashooyinka Qaranku ay qabtaan doorashooyinka si ay u noqdaan guddi u dhaxeeya dhamaan Murshaxiinta.
    • In faragelin shisheeye iyo mid togan laga dhowro doorashooyinka Dowlad Goboleedyada ee ka bilawday dalka.
    • In Wasaaradda arrihama Guduhu ka qaadato waajibka ka saaran ilaalinta iyo fududeynta qabsoomida Doorashooyinka Dowlad Gobaleedyada.
    • In faragelinta Dowaladda Federaalka loo arko mid fayoow oo ah waajib dustuuri ah si loo hormariyo dimuquraadiyada iyo wadajirka loona ilaaliyo midnimada dalka.

    Baaq                                                                                

    • In dhammaan murshaxiinta ay danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana shaqeeyaan sidii doorashada ay u noqon laheyd mid xor iyo xalaal ah, aqabalaana naatiijada doorashada.
    • In Shacabka Koofur Galbeed iyo Puntland ay ka shaqeeyaan sidii ay doorashada madaxweynayaasha u noqon laheyd mid u horseeda horumarka, bad-qabka shacabka, xoojisana midnimada Soomaaliya.
    • In labada murashax ee ku kala guleeysta  xilalka madaxweynayaasha ee Dowlad Gobaleedyada Koofur Galbeed iyo Puntland  ka shaqeeyaan hagaajinta xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo guud ahaan midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliya.

    SAWIRRO

    [flickr_set id="72157703262831905"]
    
    Doorashada K/Galbeed Madasha Talowadaag Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAAHFAAHIN: Haweeney Macalimad ahayd oo si bareer ah loogu dilay Muqdisho [Yaa ka danbeeyay?]
    Next Article U.N. Security Council considers lifting Eritrea sanctions next week

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo