Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacisay inuu burburay is-afgarad dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal ku qornaa luqada Ingiriiska oo kasoo baxay Madashas ayaa algu sheegay inay burbureen wadahadaladii bishii la soo dhaafay ay Madasha la yeelatay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo arrintaasi sabab uga dhigay inay dhammaan arrimihii laga wadahadlay ay ka fuli waayeen dhinaca Madaxweyne Farmaajo.
Waxay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuu dan gaara ka lahaa kulanka uu codsaday ee uu la yeeshay Madaxweynayaashii hore oo ka socday Madasha Xisbiyada, isla markaana ay madaxtooyada ku fashilantay inay shaaciso wixii lagu heshiiyey iyo in la yeesho kulamo kale.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda Farmaajo ay sii wado ku xadgudubka muwaadiniinta, iyadoo lagu soo qaatay socdaalkii ciidmada NISA ka xayireen Xildhibaanada Daleys Xasan Aadan iyo xariga maalmo ka hor loo geystay Yuusuf Xasan Musral oo sharci darro ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA