Madasha xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa warkasoo saartay xaaladda Galmudug, waxayna Beesha caalamka ugu baaqeen inay ka baxdo aamusnaanta oo ay dhexdhexaadin ka gasho xiisada ka taagan maamul u sameynta Galmudug.
Warmurtiyeed ka kooban lix qodob oo ay soo saartay Madasha ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka inay joojiso faragalinta siyaasadeed ee ay ku hayso maamulkaasi, iyadoo lagu eedeeyay inay la wareegtay hanaankii maamul u sameynta Galmudug.
Madasha waxay ka digtay in khilaafka xoogeysnaya uu horseedo can ka hadal iyo dhiig ku daata, iyadoo ciidamada qaranka ugu baaqday inaysan ku lug yeelan muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya siyaasiyiinta.
Waxaa kaloo ciidamada ajnabiga ee ku sugan Dhuusmaareeb loogu baaqay inaysan aqbalin in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaasi ka jira islamarkaana ay ka fogaadaan in ay la saftaan dhinacyada siyaasada isku haya dhinac ka mida.
HOOS KA AKHRISO

