War-saxaafadeed degdeg ah oo Madasha Xisbiyad Mucaaradka soo saareen ayaa lagu cambaareeyay isku day u muuqaday weerar gaadmo ah oo qorsheysan, kadib markii ciidamo hubeysan hareereeyeen Hoyga guddoomiyaha Madashaasi Shariif Sheekh Axmed.
War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay in isku daygaasi ay u aragto shirqool lagu bar tilmaameedsanayey hoggaamyaha madasha Xisbiyada, laguna abuurayo xasilooni darro, waxaan baaq loogu jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada dowladda.
Warka madasha ayaa soo baxay iyadoo uu maanta wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow beeniyey wararka sheegaya in ciidamo ay dowladda Soomaaliya dul dhigtay Guriga Shariif Sheekh Axmed.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA