Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaadka oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War-murtiyeed ay soo saartay ugu baaqay dowladda Federaalka inay ka waantowdo colaadda ay ka wado Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inay xiisad colaadeed ka taagan tahay Gobolka Gedo, taasoo ka dhalatay ciidamo uu si gaara ay madaxweynaha dowladda Federaalka iyo xukuumadiis ugu daabuleen Gobolkaasi, iyagoo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM.
Madasha ayaa sheegtay inay ka xun tahay agabkii ay dowladda Qatarku taageertay ciidamada qalabka sida in lagu daadiyo dhiigga maatida, laguna dumiyo maamulka degaankaasi, waxayna Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ku eedeeyeen inuu burburiyey qaab dhismeedkii ciidamada qalabka sida ee, isagoo caado ka dhigtay inuu ciidamada u isticmaalo siyaasad gurracan oo ka duwan waajibaadkooda.
HOOS KA AKHRISO