Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saartay kulan ay caawa xaruntooda kula yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay inay mowqifkeeda la xiriira Doorashada dalka u caddeysay Guddoonka Golaha shacabka, una sheegtay inay lama huraan tahay in Doorashada lagu qabto waqtigeeda.
Kulanka ayaa looga wadahadlay arrimo ay ka mid ahaayeen: sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay; waxaana kulanka Caawa ay sheegtay Madashada Xisbiyada inuu ka duwanaa kulamadii hore, iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka.
Madashu Xisbiyada ayaa qoraalkeeda ku sheegay inay gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka; iyadoo Guddoonku sheegay inay lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.
Laba dhinac waxay isku raaceen: in laga fogaado in Dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka Madasha Xisbiya u caddeeyay Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda.

“Sida la og yahay, muddo xileedkii Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysnaa Afar sano wuxuu marayaa dhammaad, waxaana la joogaa xilligii Doorashada loo diyaar garoobi lahaa, umana muuqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diyaar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiyada Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaqaynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah. Madasha Xisbiyada Qaran waxay u aragtaa in ay lama huraan tahay in Doorasho laysla oggol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin” ayaa lagu soo gabagabeeyay Qoraalka Madasha Xisbiyada.
Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo kulamadii hore aysan wax war ah kasoo bixin dhinaca Guddoomiye Mursal iyo guddoomiye ku xigeenka Muudey.
