Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku dhawaaqay lacag gargaar ah oo lagu caawinayo dadka ku waxyeeloobay dadka ku waxyeeloobay fatahaadda ka dhacday Gobollada Dalka.
Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo ka mida xisbiyada ka tirsan Madasha ayaa shaaciyey inay lacag dhan $200,000 (Laba boqol kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar ay ku caawinayaan dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen
Waxaa kaloo shirka jaraa’id lagu sheegay liiska laba guddi oo howlaha gurmadka ka fulin doona magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee dalka Soomaaliya.
Wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa maanta ku sii jeeday magaalada Beledweyne, laakin waxay dib ugu dhaceen garoonka diyaaradaha mgaalada oo roobab xalay da’ay ay xayireen.
Dowladda Somalia ayaa dhinaceeda 500-kun doolar ugu talo gashay dadka ku waxyeeloobay fatahaadda dalka oo dhan, taasoo si weyn loogu dhaliilay.