Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madasha Xisbiyada Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo weerar ku qaaday Hay’adda NISA (Qoraal aan hore loo arag)

    Madasha Xisbiyada Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo weerar ku qaaday Hay’adda NISA (Qoraal aan hore loo arag)

    April 29, 2020Updated:April 29, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraal sir ah kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, kuna socday madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa lagu weerarray habka ay u shaqeyso Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

    Warkan oo cinwaan looga dhigay ‘WARQAD SIR AH’ si ulakac ahna loogu dusiyey saxaafadda iyo Baraha bulshada ayaa lagu muujiyey in xiriir ka dhaxeeyo NISA iyo ururka Al-Shabaab, waxayna madashu dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hoggaanka hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya.

    Qoraalka Madasha oo lagu socodsiiyey Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’isulwaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa lagu yiri, Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan dhacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan’ inkastoo qoraalku ahaa mid sir ah.  

    Qoraalka ayaa lagu dalbaday in si buuxda loo baaro weerarkii lagu dilay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir, waxaana si dadban loogu taageeray war ay dhowaan qoreen Warbaahinta Kenya oo ku saabsanaa in NISA ay xiriir la leedahay Alshabaab, kaasoo la caddeeyay inuu been abuur ahaa (AKHRISO).

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

    Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

    Ku: Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

    Ku: Ra’isulwaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

    Ku: Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya,

    Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan dhacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas oo dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed.

    Madashu markay aragtay xogahaan halista ku ah amniga iyo jiritaanka Qaranka, markay dib u eegtay dhacdaooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay sida dilkii Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii caasimadda, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow (AU) iyo masuuliyiin kale. Madashu markay u kuurgashay hab-dhaqanka hoggaanka Hay’adda (NISA) waxay ku qanacday in xogahan aan la dhayalsan karin.

    Hadaba, si loo xoojiyo kalsoonidii Umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ay ku qabeen Hay’adda (NISA), loogana saaro welwelka iyo walaaca taageerayaasha Dowladda Soomaaliyeed Madasha Xisbiyada Qaran waxay dalbaneysaa:

    1. In baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

    2. Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekaysiga taliyaasha labada aag ee Hay’adda (NISA) iyo Al-shabaab in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo dhamaystiran, si xaqiiqada jirta Ummadda loogu soo bandhigo.

    3. In warbaahinta iyo baraha bulshada ee rasmiga ah ee Hay’adda (NISA) aan loo isticmaalin meel lagu fushado dano gaar ah laguna marin habaabiyo ra’yiga Shacabka, isla markaana lagu buunbuuniyo xubno katirsan Al-shabaab iyadoo laga leeyahay dano khaas ah.

    4. In hoggaanka Hay’adda (NISA) laga fogeeyo siyaasiyiinta leh ujeeddooyin siyaasadeed loona dhiibo farsamo yaqaanno ku xeel dheer sirdoonka iyo amniga Qaranka.

    5. Madashu waxay aad uga xuntahay in ciidamadii iyo saraakiishii Hay’adda (NISA) ee u carbisnaa nabadsugidda iyo sirdoonka laga sifeeyay Hey’adda, hoggaankeediina gacanta loo geliyay shaqsiyaad leh ujeeddooyin siyaasadeed taas oo keentay in Hay’addu ay ka habowdo shaqadeedi

    Ugudanbayn Madashu waxay caddaynaysaa in warqaddii ku taariikhysnayd (17/04/2020) ee Dowladdu ugu jawaabtay warbaahinta Dalka Kenya inaysan ahayn jawaab ku filan Ummadda Soomaaliyeed iyo taageerayaasheeda Caalamka.

    =Dhammaad=

    Hay'adda NISA NISA Sheekh Shariif Top Xasan Sheekh Maxamuud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSenator Max’ed-Amiin: “Intii uu Fahad Yaasiin qabtay hoggaanka NISA waxaa soo baxay xadgudub…”
    Next Article Alshabaab oo toogasho ku fulisay xubno lagu eedeeyay inay Basaasiin u ahaayeen AFRICOM (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo