Mashada Xisbiyada Qaran oo 5 maalmood shir uga socday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku heshiiyey inay ku midoobaan hal xisbi.
War-murtiyeed ka kooban 13 qodob oo shirkaasi laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Guddi farsamo loo saaray inuu muddo 45 casho ah ku soo diyaariyo xisbiga ay ku midoobayaan lixda xisbi ee ka mid ahaa Madashaasi oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamud iyo siyaasiyiin caan ah sida C/weli Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwo kale.
Waxaa kaloo war-murtiyeedka looga hadaly arrimaha Doorashada Soomaaliya, dowlad Goboleedyada, xaaladda Gobolka Gedo iyo cambaareyn loo jeediyey madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya .